Dalalka Yurub oo ku dhiirigalinaya dhalinyarada inay ku biiraan ciidamaad, iyo mushaarka ay qaadanayan bishii?

Xigashada Sawirka, Thomas Padilla/AFP via Getty Images
Waddamada Yurub ee Ruushka u arka khatarta ugu weyn ee millatari ee xilligan ayaa dib u cusbooneysiinaya nidaamkooda milatari.
Dadaalka lagu doonayo in lagu soo celiyo ciidamada qalabka sida oo tiradooda la dhimay dagaalkii qaboobaa ka dib, ayaa mar kale soo laba kaclaysay.
Gaar ahaan, dhaqanka adeegga milatariga ee iskaa wax u qabso ah ama mutadhawicnimada ah ayaa sii kordhaya.
Waddankii ugu dambeeyay ee Midowga Yurub (EU) ee go'aamiyay dhaqangelinta dhaqankan dib u soo cusboonaday wuxuu ahaa Faransiiska.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa hadal uu ka jeediyay xerada ciidamada Varces ee ku taal buuraleyda Alps ee Faransiiska ku yiri "Waxaan u baahannahay in ummaddu ay isu abaabusho si aan isu difaacno, una diyaargarowno, lana ixtiraamo".
Hadafka nidaamkan cusub, oo faahfaahintiisa uu ku dhawaaqay Macron, ayaa ah mid lagu diiwaangalinayo 3,000 oo dhallinyaro ah laga bilaabo xagaaga 2026, 10,000 marka la gaaro 2030, iyo 50,000 marka la gaaro 2035.
Waxaa la filayaa in kuwa ugu biiraya si mutadhawicnimo ah milatari ay shaqeyn doonaan oo kali ah gudaha dalka Fransiiska.
Nidaamku wuxuu diiradda saari doonaa dhalinyarada da'doodu tahay 18 iyo wixii ka weyn, oo gali doona 10 bilood oo adeeg militariga ah. Lacagta mushaar ahaan loo siinayo bishii wxa ay noqon doontaa ugu yaraan €800 oo Yuuro.
Wadamada sida aadka ah looga doodayo arrinta kordhinta tirada ciidamada waxaa kamid ah Jarmalka oo damacsan in uu yeesho ciidamada ugu awoodda badan ee Midowga Yurub.
In kasta oo dawladda Jarmalku ay tixgelisay in ay dib u soo celiso adeegga milatariga ee qasabka ah in muddo ah, waxa ay aakhirkii go'aansatay in dadka si iskood ah ah ay ciidamada ugu biiraan.
Si kastaba ha ahaatee, haddii Jarmalku waayo dad ku filan oo si iskood ah ciidamaad ugu biira , isbedelna uu ku yimaado xaaladda amniga, waxaa dib loo soo celin doonaa howsha ah in si qasab ah dadka ciidamada loo qoro.
Jarmalku waxa uu qorsheynayaa in uu siiyo askartiisa mutadawiciinta ah 2,600 oo Yuuro bishii.
Belgium, oo ka mid ah dalalka deriska la ah Faransiiska, ayaa dhowaan ku martiqaaday ku dhawaad 130,000 oo da'doodu tahay 17 jir si ay ugu tabarucaan oo ay ugu biiraan milatariga.
Nidaamkan waxa uu si dhab ah uga dhaqangali doonaa Belgium sanadka sanadka 2026.

Xigashada Sawirka, Thomas Kienzle/AFP via Getty Images
Sida laga soo xigtay Wasiirka Difaaca Biljimka Theo Francken, hindisaha ayaa ujeedadiisu tahay in la daboolo baahi istaraatiijiyadeed ee dhanka difaaca.
Belgium, askarta mutadawiciinta ah waxay heli doonaan lacag dhan 2,000 oo Yuuro bishii.
Poland sidoo kale waxay ka mid tahay wadamada Midowga Yurub ee hirgeliyay nidaamka adeegga milatariga ee iskaa wax u qabso ah ama uu qofka si iskiisa ah ugu biirayo ciidanka.
Si kastaba ha ahaatee, dawladda Poland ee uu hoggaamiyo Donald Tusk, ayaa ku dhawaaqday qorshayaal ay ku doonayso inay tababar ciidan siiso nin kasta oo qaan-gaar ah bilowgii sanadka 2025-ka.
Nidaamka adeegga milatari ee mutadawiciinta, ayaa Bulgaariya ay hirgelisay 2020, halka Netherlands laga hirgeliyay 2023.
Adeegga milatariga ee qasabka ah aad uguma badna wadamada Midowga Yurub.
Dhammaadkii 1990-meeyadii iyo horraantii 2000-meeyadii, badi waddama Midowga Yurub way joojiyeen dhaqankan.
Belgium, Bulgaria, Czechia, Fransiiska, Croatia, Netherlands, Spain, Taliyaaniga, Hungary, Poland iyo Romania ayaa ka mid ahaa wadamadaas.
Waqti xaadirkan, wadamada EU-da ee ay ka sii socdaan adeegga milatari ee qasabka ah waa Austria, Danmark, Estonia, Finland, Sweden, Qubrus, Latvia, Lithuania iyo Giriiga.












