Trump oo qaaday tallaabo cabsi ku abuurtay dadka ka soo jeeda 19-dal oo Soomaaliya ay ka mid tahay

Madaxweyne Trump ayaa qaaday tallaabooyin dad badan samaeyn ku yeelan kara

Xigashada Sawirka, Getty Images

Madaxa Hay'adda Dhalashada iyo Socdaalka Mareykanka (USCIS), Joseph Edlow, ayaa sheegay in madaxweynuhu uu faray inuu sameeyo "dib-u-eegis ballaaran oo adag oo lagu samaynayo sharciga deganaanshaha ee dalka Mareykanka oo horey la siiyay muwaadin shisheeye oo ka yimid dal kasta oo laga walaacsanyahay xaaladdiisa amni."

Markii ay BBC-du weydiisay hay'adda waddammada ku jira liiska, waxaa la tilmaamay bayaanno ka soo baxay Aqalka Cad bishii Juun, kuwaas oo ay ku jiraan Afghanistan, Kuuba, Haiti, Iran, Soomaaliya iyo Venezuela.

Ku dhawaaqista ayaa timid kaddib markii nin u dhashay Afghanistan lagu eedeeyay inuu Arbacadii toogasho ku beegsaday labo askari oo ka tirsan Ciidamada Ilaalada Qaranka magaalada Washington DC, isaga oo si daran u dhaawacay labadoodaba.

Eedeysane Rahmanullah Lakanwal ayaa yimid Maraykanka 2021-kii isagoo ka faa'iideysanayay barnaamij siiya dadka u dhashay Afghanistaniyiinta ilaalin gaar ah oo dhinaca socdaalka ah kaddib markii Maraykanku ka baxay dalkaas.

Madaxweyne Donald Trump wuxuu sheegay in toogashadu ay muujisay khatar weyn oo dhinaca ammaanka qaranka ah.

Qoraal uu Edlow ku daabacay baraha bulshada Khamiistii oo ku saabsanaa dib-u-eegis ballaaran oo lagu samaynayo green-card-yada, ma uusan xusin si toos ah weerarkaasi.

"Badbaadada waddankan iyo dadka Maraykanka ah waa mudnaanta koowaad, mana ahaan doonaan dadka Maraykanka kuwa bixiya kharashaadka ka dhashay siyaasadaha dayacaadda leh ee maamulka hore ee dib-u-dejinta," ayuu yiri Edlow.

Lama bixin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan sida dib-u-eegistu u ekaan doonto.

Qoraal bishii Juun ah oo hay'addiisu u muujisay BBC-da ayaa sheegaya in ujeeddadu tahay in lagu xaddido muwaadiniinta dalalka qaar inay galaan Maraykanka si looga hortago "argagixisada shisheeye iyo khataraha kale ee amniga qaranka iyo badbaadada dadweynaha."

Maamulka ayaa sheegay in walaaca amniga iyo heerka dadka oo ku batay fiisaha ganacsiga, ardayda iyo dalxiiseyaasha ay ka mid yihiin sababaha dal lagu dari karo liiska.

"Taliban, oo ah koox loogu calaamadeeyay Argagixiso Caalami ah (SDGT), ayaa maamusha Afghanistan," ayuu lagu yiri qoraalk.

"Afghanistan kuma lihi hay'ad dhexe oo karti leh ama iskaashi sameyn karta oo bixisa baasaboorrada ama dukumeentiyada madaniga ah, mana laha nidaam sax ah oo baaritaan iyo hubin ah."

Dalalka kale ee dadka heysta green-card-ka lagu samayn doono dib-u-eegistan waxaa ka mid ah Burma, Chad, Jamhuuriyadda Kongo, Soomaaliya iyo Libya.

Weerarkii Arbacadii lagu qaaday xubno ka tirsan ciidamada Maraykanka ayaa sababay jawaab xooggan oo uu bixiyay Trump.

"Weerarkani wuxuu muujinayaa khatarta ugu weyn ee amniga qaranka ee hortaalla dalkeenna," ayuu madaxweynuhu yiri. "Maamulka hore wuxuu dalka ku soo daayay 20 milyan oo ajaanib ah oo aan la aqoon, aan la hubin, oo ka kala yimid dunida oo dhan, meelo aadan xitaa rabin inaad maqasho. Dal kasta wuxuu wax ka qaban karaa khatar noocaas ah oo halis gelinaysa jiritaankiisa."

Toddobaadkii hore, isla hay'addii dib-u-eegista green-card-ka wadda—US Citizenship and Immigration Services (USCIS)—ayaa ku dhawaaqday dib-u-eegis lagu samaynayo dhammaan qaxootigii la soo qaaday xilligii maamulkii madaxweynihii hore ee Joe Biden.

Arbacadii, Maraykanku wuxuu joojiyay dhammaan habraacyada socdaalka ee Afghanistiyiinta, iyadoo USCIS ay sheegtay in go'aanka la gaaray ilaa laga dhammaystirayo dib-u-eegis ku saabsan "habraacyada amniga iyo hubinta."

Ugu Aqris Badan

Morty Proxy This is a proxified and sanitized view of the page, visit original site.